Dadka shacabka ku nool Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa ka cabanaya dhac iyo boob ay u geystaan kooxo ku labisan dharka ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Marka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegeen in kooxo ku labisan dharka ciidamada dowladda Federaalka ay u geystaan dhac iyo boob xiliga habeenkii ah.
Kooxahan ayay sheegeen inay dhibaato ku hayaan goobaha ganacsiga magaalada, xaafadaha iyo wadooyinka waxayna ugu baaqeen maamulka Magaalada Marka ee dowladda Federaalka ah inay wax ka qabtaan.
Ugu danbeyntii magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose waxay ka mid tahay magaalooyinka lagala wareegay Xarakada Alshabaab waxayna ka mid tahay magaalooyinka ugu Amniga xun gobolka Sh/hoose waxaana ka dhaca dil, dhac, Qarax oo dhammaantood Amniga ka horjeeda.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com