Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa si kulul uga hadlay Saliid ay Maraakiibta shisheeye ku shubeen Xeebaha Magaalada Muqdisho.
Tarsan ayaa sheegay in Saliidaasi Maraakiibta shisheeye ee isticmaala biyaha Soomaaliya ku shubeen Xeebaha Muqdisho inay khtar ku tahay Bay’ada Deegaanka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya inay si deg deg ah wax uga qabato Saliidaasi ay maraakiibta shisheeye ku shubeen Xeebaha Muqdisho taasoo uu tilmamaay inay dhibaato ku yihiin dadka iyo deegaanka.
Maraakiibta shisheeye waxay dhibaato ba’an ku hayaan Xeebaha dalka Soomaaliya halkaaso ay ku shubaan haraadiga qashinka warshadaha mana jirto dowladd kala hadasha islamarkaan tilaabo ka qaada Maraakiibtaasi Shisheeye.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com