Israel oo duqeyn ka geysatay dalka Suudaan iyo Xukuumadda oo si kulul ugu hadashay.
Soomaalinews.com 25 Oct 12, 08:18

Xukuumada Khartuum ayaa si kulul ugu eedeysay Isreal in ay duqeyn culus ka geysatay gudaha wadanka Suudaan, kadib markii habeenkii Arbacada duqeyn culus lala eegtey warshad hubka lagu sameeyo oo ku taala meel ka tirsan Magaalada Khartuum.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Suudaan Ahmed Bilaal Osmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in la duqeeyey Warshadaasi oo ay weliba Gantaalo ku dhufteen Afar diyaarad oo ah kuwa dagaalka, taasi oo khasaaro dhalisey.

Waxaa uu intaasi ku sii daray in ay diyaaraduhu ahaayeen nooca uusan Raadaarku qaban taasi oo sabab u ah in ay dalka Suudaan ku soo galeen sharci daro oo aan la ogaan karin, waxaana Arintaani ay noqotey mid muran badan dhalisey.

"Cadeymo badan ayaan heynaa waxaan qaadi doonaa talaabo qorsheysan, Annaga dadkayaga iyo dalka yaga raqiis maaha, cadow kale oo aan Isreal ahayn ma lihin balse dhowaan waa la is arki doonaa" ayuu yiri Wasiir Ahmed Bilaal.

Docda kale wasiirka ayaa sheegay inay hayaan cadeynmo dheeraad ah in diyaaradaha Isra’iil ay duqeysay Warshadaasi hubka ayadoo uu sheegay in la hayo qaar kamid ah gantaaladii qarxi waayey ee halkaasi lagu dhuftay.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698