Askar ka tirsan Ciidamada dowladda oo lagu dilay Degmada Shalanbood ee gobolka Sh/hoose.
Soomaalinews.com 25 Oct 12, 06:58

Askar ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow oo hadda ah lagu toogtay Degmada Shalanbood ee gobolka Sh/hoose.

Labo Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay rasaasta lagu furay Askartaasi xili ay ku sugnaayeen goob maqaayad ah oo lagu shaaho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa saxaafada u sheegeen in labada askari ee la dilay ay ku labisnaayeen Dareeska ciidamada Militariga islamarkaana dilkooda loo adeegsaday Bastoolado.

Goobjoogayaashu waxay intaasi ku dareen in raggii weerarka dilka geystay ay baxsadeen halkaasi islamarkaan ay goobta Askarta lagu dilay ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka kuwaasi oo howlgalo ka sameeyey halka dilka uu ka dhacay.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka soomaaliya oo ku aadan dilka loo geystay Askarta dowladda, mana cadda cida sida rasmiga ah ugu dambeysay weerarka dilka ah laakiin waxaa loo malaynayaa inay ka dambeeyaan Xarakada alshabaab.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698