Wasirka Arrimaha Dibada Talyaaniga oo gaaray Muqdisho.
Soomaalinews.com 23 Oct 12, 17:43

Wafddi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Talyaaniga ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga ayaa markii uu yimid magaalada Muqdishu wuxuu xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho wada hadal kula yeeshay madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sigior Julio Tezi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka wada hadlay Xiriirka qododa dheer ee u dhaxeeya labada Dal.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ay soo dhamaadeen wada hadaladii u dhaxeeyay labada dhinac saxaafadda la hadlay kaasoo sheegay in wafdigan ballaaran ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ay hor u dhac u yahay Xiriirka labada dal oo iminka soo hagaagaya.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in dhankoodana wufuud dawladda ka socota ay u anbabixi doonaan Dalka Talyaaniga isagoona intaa raaciyay in dhamaanba qodobadii labada dhinac ay isla soo qaadeen uu ku dhamaaday is af garad.

Gulio Tezi oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in wafddi heerkaas gaarsiisan oo ka socda xukuumadda Talyaaniga in ay soo gaaraan Dalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga ayaa xusay in kulankii uu la qaatay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay ku soo dhamaadeen Jawi is af garasho.

Ugu danbeyntii wixii ka dambeeyey markii xilka loo dhaariyay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya isla markaana uu dhamaaday xiligii ku meel gaarnimada waxaa magaalada Muqdisho soo gaarayay Wufuud caalami ah kuwaasoo booqashooyin kala duwan ku imaanaya Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698