Saraakiisha AMISOM oo qiray inay Askar uga geeriyooden Garoonka Bali-doole ee gobolka Sh/hoose.
Soomaalinews.com 23 Oct 12, 10:26

Saraakiisha Ciidamada AMISSOM ayaa qiray in Askar ka tirsan Cidamadooda looga dilay Duleedka Garoonka Bali-doogle ee gobolka Sh/hoose xili ay ku sii jeedeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.

Sida lagu daabacay Wargeyska Daily Moniter ee ka soo baxa dalka Ugandha Askar ka tirsan AMISOM ayaa ku geeriyooday Garoonka Diyaaradaha Bali-doogle oo dhawaan ay la wareegeen Ciidamadaasi.

Sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM oo wargeyska u waramay ayaa qirtay in afar Askari laga dilay xili Ciidamadooda ku sii jeeday Baydhabo wadada u galeen Ciidamada Xarakada Alshabaab.

“Dagaalka wuxuu dhacay xili ciidankeenu ay ku sii jeedeen Baydhabo, afar ayaa la dilay meydadkoodana Ugandh ayaa la gaarsiiyey maalmihii la soo dhaafay” ayuu yiri Sarkaalkan oo la hadlay Wargeyska Daily Moniter.

Ugu danbeyntii Ciidamada AMISOM ayaa inta badan iska caabin xoogan kala kulma Ciidamada Xarakada Alshabaab xiliyada ay marayaan wadooyinka ka baxsan Muqdisho iyo saldhigyada ciidan ay samaysteen isballaarinta kadib.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698