Taliska Dambi Baarista Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay maanta soo bandhigeen 18 ruux oo midi haweeney tahay loona heysto Dambiyo kala duwanoo dil, dhac iyo qalqal gelinta Amaanka Muqdisho.
Taliyahaa Ciidamada Dambi Baarista CID Col: C/laahi Xasan Bariise oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigay 18-kan ruux ayaa sheegay inay isugu jiraan dad dambiyo kala duwan galay laguna soo qabtay howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Magaalada Muqdisho.
Col: Bariise ayaa waxa uu sheegay in raggan ay ahaayeen dad ka dambeeyey falal dil ah, Amaan dari iyo dhac goobo ganacsi.
Bariise ayaa sheegay in 18 ruux haweeneyda ka midka ah uu qabi jiray nin horay isugu qarixiyey afaafka hore Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia waxaana dhamaan loo gudbiyey Xasiga dhexe markii lagu cadeeyey dambiyada ay galeen.
Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu eedeeyey inuu dil ka geystay magaalada ayuu sheegay Col: Barise inay ku cadaatay dambiga dilka ah uu geystay laguna riday xukun dil ah.
Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horaysay ee Ciidamada nabad sugida soo gudbiyaan dad lagu eedeynayo inay dambiyo kala duwan galeen.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com