Ahlusunnadda Gobolada dhexe oo faahfaahin ka bixiyay Dhalinyaro lagu qabtay Magaalada Guriceel.
Soomaalinews.com 23 Oct 12, 09:51

Muuse Tashade oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada ammaanka ee Maamulka ahlusunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay Rag la sheegay in maalintii shalay laga qabtay Garooonka Diyaaradaha Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Sarkaalkan ayaa xusay in Raggaas la qabtay ay ku tuhmayaan in ay ka tirsanaayeen Xarakada alShabaab isla markaana ay doonayeen in falal amni darro ah ay ka gaystaan waa siduu hadalka u dhigaye qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud.

Sarkaalkan u hadlay Ciidamada ammaanka ee ahlusunna ayaa sheegay in iminka aysan ka hor dhacayn isla markaana ay wadaan baaritaano ay ku doonayaan in ay ku xaqiijiyaan Raggan iyo halka ay ka yimaadeen iyo ujeedkooda dhabta ah.

Muuse Tashade ayaa ku tilmaamay Maamulka ahlusunna in ay yihiin Dad mas’uuliyiin ah isla markaana ku deg degin qabashada dadka isagoona intaa sii raaciyay in raggaas Tuhunka loo hayo ay baarayaan ciddii aan denbi yeelana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u sii deynayaan wixii denbi yeeshana ay ka qaadi doonaan tallaabada ku habboon.

Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xarriiqay in ay suurta gal tahay in raggan qaarkood ay doonayaan in falal amni darro ay ka gaystaan gudaha gobolkaas isagoona calaamidiyay in ay suurta gal tahay in qalabkii waxyeelada ay ku gaysan lahaayeen aysan wadan xiligan maadaama ay ka soo duuleen garoon diyaaradeed qalabkii ay dhibaatada ku gaysan lahaayeena laga yaabo inuu meel ugu qarsoon yahay.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698