Dagaal u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa ka socda deegaanada Kalinka Shanaad ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya xooga ku gumeysato.
Dagaalka xoogiisa waxa uu ka socdaa Magaalada Dhagax-buur oo ka mid ah deegaanada Kalinka Shanaad, iyadona dagaalka uu ka dambeeyey kadib markii howlgalo ay sameeyeen ciidamada Itoobiya ku soo qabqabteen dhalinyaro kadibna si xun u jirdilee.
Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalada laakiin dadka deegaanka ayaa sheegay in meydad badan gaarsiiyeen Ciidamada Itoobiya saldhigyo ay ku leeyihiin Magaalada Dhagax-buur.
La soco warkan wixii ku soo kordha Insha Allaah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com