War qoraal ah oo bogga Twitterka ah ee Xarakada Alshabaab la soo dhigay ayaa lagu sheegay in dagaalyahanada Xarakada Alshabaab weeraro qaraxyo ah ka geysan doonaan dalka Ingiriiska.
Xarakada Alshabaab ayaa ku eedeeyey dowladda Ingiriiska inuu cadow ku yahay Islaamka lana dagaalami doonaan cid waliba oo Islaamka neceb kana soo horjeesta.
Warbixinta oo ah mid dheer ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Ingiriiska nacamleeye u tahay dowladda Mareykanka waxayna sheegeen Xarakada alshabaab in dhawaan qaraxyo waa wayn oo laga sheekeeyo ka geysan doonaan magaalooyinka dalka Ingiriiska.
Ugu dambeyntii dowladda Ingiriiska wali kama hadin warkan qoraalka ah ee ka soo baxay Dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com