Maamulka Marka oo balan qaaday inay wax ka qaban doonaan Amaanka Magaaladaas.
Soomaalinews.com 23 Oct 12, 05:29

Maamulka Magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose dowladda Federaalka Somaaliya ayaa balan qaaday inay wax ka qaban doonan Arrimaha Amaanka Magaaladaasi.

Guddoomiyaha Magaalada Marka ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Cukaash oo la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa sheegay in haddii ay yihiin Maamulka Magaalada Marka inay wax ka qaban doonaan Arrimaha Amaanka Magaaladaas.

“Way naga go’an tahay sidii aan wax uga qaban lahayn Amaanka Marka oo faraha ka sii baxayo” ayuu yiri Guddoomiyaha Magaalada Marka oo tilmaamay inay ka hortagayaan kooxaha labisan dareeska Ciidamada ee dhibaatada joogtada ah ku haya dadka shacabka ah.

Ugu danbeyntii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya magaalada Marka ayaa lagu eedeeyey inay kufsi, dhac, dil iyo boob u gesanayaan dadka shacabka ah ku nool Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698