Ciidamo ka tirsan Xarakada alshabaab ayaa waxay xalay weerar Madaafiic ah ku qaadeen Fariisin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.
Tiro Madaafiic ah ayay ciidamada Xarakada Alshabaab ku garaaceen fariisimaha Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Afmadow.
Guddoomiyaha degmada Afmadow ee maamulka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/xakiin Cumar Xaaji ayaa u sheegay Saxaafada in Ciidamo ka tirsan Xarakada alshabaab ay xalay weerar duqeymo ah ku soo qaadeen, isagoo intaasi raaciyey in ay iska caabiyeen duqeynta ay Ciidamada Xarakada Alshabaab ku soo qaadeen.
Wuxuu xusay inaysan jirin wax qasaare ah oo dhanka Ciidamadooda gaaray balse shan qof oo shacab ah ayuu tilmaamay inay ku dhaawacmeen duqeyntaasi.
Ugu danbeyntii ciidamada dowladda Federaaalka waxay howlgalo ka wadaan duleedka Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com