Madaxweyne Cabdi Qeybdiid oo dhagax dhigay Xarun Cusub uu yeelandoono Baarlamanka Galmudug.
Soomaalinews.com 21 Oct 12, 09:56

Madaxweynaha maamulka Galmudug Gen: Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa dhagax dhigay dhismo cusub oo uu yeelan doono Baarlamanka Maamulkaasi.

Dhismaha xarunta Cusub waxaa laga hirgeliyey Koonfurta Magaalada Gaalkacyo taasoo uu dhagax dhigay Madaxweynaha maamulka Galmudug Gen: Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha xarunta cusub ee Baarlamanka mamulkaasi ay iska kaashanayaan maamulka iyo dadweynaha ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Galmudug Gen: Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Koonfurta Magaalada Gaalkacyo inay si iskaa wax u qabso ah uga qeyb qaataan dhismaha Xarunta Cusub ee Baarlamanka Maamulka Galmudug.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698