Faahfaahin dheeraad ah ayaa naga soo gaaraya Qarax loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso oo saaka lagula eegtay Xaafada Xaawo Taako Magaalada Baladweyne Ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgalo miino baaris ah ka waday Magaaladaasi.
Inta la ogyahay wararka naga soo gaaraya Baladweyne waxay sheegayaan inay ku dhinteen Saddex Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Itoobiya kuwaasoo ku sugnaa goobta miinada ku aasneyd, iyadoona tiro kale ku dhaawacmeen qaraxaasi.
Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamo Itoobiyaan, AMISOM iyo kuwa Maamulka gobolka Hiiraan kuwaasoo bilaabay howlgalo baaris ah, waxayna hakad geliyeen dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Ma ahan qasaaraha Ciidamada Itoobiya ka soo gaaray qaraxaasi midkii ugu horeeyey laakiin waxa uu noqonayaa qaraxii ugu xooganaa maalmihii ugu dambeeyey ka dhaca magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com