Boqorka Boqorada Sacuudiga oo hanbalyo ku aaddan 21-ka Oktoobar u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh.
Soomaalinews.com 21 Oct 12, 09:23

Boqorka dalka sacuudiga Boqor Khaalid Bin cabdilcasiis ayaa Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya u soo diray Hanbalyo ku aaddan 21-ka Oktoobar.

Boqorka ayaa uga hanbalyeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed-ba maalinta kow iyo labaatanka Oktoobar oo ah maalintii Kacaanka uu ka dhashay Soomaaliya kaasoo ahaa Kacaan uusan dhiig ku daadan.

Dhanbaal Tahniyaddaas ka hadlaya oo la soo gaarsiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa tahniyeentaas la wadaagsanayay Boqorka Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Dhaxal sugaha Sacuudiga.

Xukuumadda Sacuudiga ayaa xustay Xiriirkii ay la lahayd Xukuumaddii uu hoggaaminyay Hoggaamiyihii Kacaanka Marxuum Maxamed Siyaad Barre Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Ugu danbentii manta ayaa waxa ay ku began tahay 21-ka Oktoobar sanad Guuradii 43-aad ee ka soo wareegatay Markii Kacaankii Oktoobar uu la wareegay Talada Soomaaliya sanadkii 1969-kii.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698