Gen: Dhagabadan oo sheegay inay sii socon doonaan dagaalada ay kula jiraan Xarakada Alshabaab.
Soomaalinews.com 21 Oct 12, 09:00

Abaan duulaha Ciidanka xooga dalka Soomaaliya Gen: C/kariin Aadan Yuusuf Dhaga-badan ayaa sheegay inay sii socon doonaan dagaalada ay kula jiraan Xarakada Alshabaab.

Dhaga-badan oo ka hadlay dagaalada ka socda gobolka Sh/hoose iyo gobolada kale ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada Militari ee ay goboladaasi uga saarayaan Xarakada Alshabaab.

Gen: Dhaga-badan ayaa sheegay inay isku furi doonaan Magaalooyinka Baydhabo-Muqdisho, Kismaayo-Muqdisho, Balad-weyne-Muqdisho, Marka-Muqdisho iyo magaalooyin kale, isagoo sheegay in qorshahaasi sidii la rabay u fulin doonaan sida uu yiri.

Ciidamada Xarakada Alshabaab ee ka dagaalama Gobolada Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dhankooda dagaalada magaalo iyo gobol laga qabsadana awoodooda dagaal waxba u dhimi doonin.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698