Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Fderaalka Soomaaliya Liibaan Cali Yarow ayaa si kulul ugu eedeeyey xaalada Amaan dari ee ka jira gobolka Banaadir Hayadaha amaanka oo shaqadooda ka soo bixin.
Degmooyinka gobolka Banaadir waxaa ka dhaca falal xad gudub ku ah dadka shacabka ah taasoo ay geystaan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka soomaaliya iyo maleeshiyaad dharka Askarta soo xirta si ay ugu dhibaateeyaan dadka rayidka ah.
Liibaan Cali Yarow ayaa ku eedeeyey hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya inay iska indha tiraan in sharciga la horkeeno Shaqsiyaadka ku xiran xarumahooda ee la soo qabtay, kuwaasoo uu sheegay guddoomiyuhu in loo baahan yahay in la marsiiyo Maxkamada Ciidanka Qalabka sida si loo xukumo.
Sidoo kale guddoomiyaha waxa uu sheegay inay sii kordhayaan dhibaatooyinka kala duwan ay geystaan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, hase ahaatee hay’adaha amaanka laga doonayo inay soo qabtaan Ciidamada dadka dhibaatada ku haya si maxkamada xukuno kala duwan ugu rido askartaasi shacabkana u helaan nabad geliyo ay ku shaqeystaan.
Ugu danbeyntii hadalkan ka soo baxay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida dowladda Federaalka soomaaliya ayaa imaanaya xili Magaalada Muqdisho ay ka dhacaan xad gudubyo ay geystaan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya taasoo sababtay in amaanka uu faraha ka baxo.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com