Ganacsade Soomaali ah oo si xun loogu dilay Magaalada King Wilmes ee daka Koonfur Afrika.
Soomaalinews.com 21 Oct 12, 07:28

Nin ganacsade Soomaali ah ayaa xalay lagu dilay Magaalada King Wilmes oo ka tirsan gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika, iyadoo dilka muwaadinkaasi Soomaaliga ahna muran xoogan uu ka taagan yahay.

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa waxay sheegayaan in Nin ganacsade soomaali ah si arxan daro ah loogu dilay Magaalada King Wilmes ee dalkaasi, muwaadinka Soomaaliga ah oo lagu magacaabi jiray Bile ayaa waxaa si arxan daro ah u dilay Ganacsato sida lagu waramayo muran xoogan uu ka dhaxeeyey kaas oo gaari uu saarnaa kala dageen kadibna qudha kaga jaray tooreey, Mindi ama Bilaawe.

Booliska Dalka koonfur Afrika ayaa la sheegay inay gacanta ku hayaan meydka wiilka Dhalinyarada Soomaaliga ah iyagoo sheegay inay wadaan howlgalo baaritaan ah oo la xiriira cida dishay iyo sababta loo dilay.

Dilka ganacsatahan Soomaaliga ah loogu geystay dalka Koonfur Afrika ayaa ahayn mid ku cusub dalkaasi maadaama dilal horay loogu geystay tooray, waxaana horay u dhici jiray Gubasho, xabad iyo waxyaalo kale oo la mid ah laakiin dilalka tooreeyda ayaa ku soo badanaya, mana dhici jirin in qoorta laga jaro muwaadin Soomaali ah oo ku nool dalka Koonfur Afrika.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698