Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kullan xasaasi ah ku yeelanaya Muqdisho.
Soomaalinews.com 21 Oct 12, 06:11

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta kullan xasaasi ah xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku yeelanaya Xarunta golaha shacabka.

Kullanka oo shir guddoominaya Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Prof: Maxamad Cismaan Jawaari ayaa looga hadli doonaa arrimaha Miisaaniyada iyo Xeer Hoosaadka Baarlamanka Soomaaliya.

Kullanka ayaa la filayay in maalintii shalay uu qabsoomo laakiin cilad farsamo ayaa sababtay inuu dib u dhaco waxaana lagu wadaa in maanta oo Axad ah kullanka qabsoomo.

Warkan wixii ku soo kordha kala soco wararkeena danbe Insha Allaah.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698