Qarax Miino oo ciidamada Itoobiya saaka lagula beegsaday Baladweyne.
Soomaalinews.com 21 Oct 12, 05:42

Qarax miino oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka Ciidamada Itoobiya waxaa lagula eegtay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Aroornimadii hore saaka ayaa Ciidamada itoobiya oo xaafada Xaawo Taako howlgal Miino saaris ah ka waday lagula eegtay qarax xoogan oo geystay qasaaro, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu xiga rasaas xoogan oo ay fureen Ciidamada Itoobiya ee qaraxa Miino lala eegtay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u xoogan islamarkaana laga maqlayay xaafadaha ku dhow Xaawo Taako Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Ilaa iyo hadda ma cadda qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi saaka aroortii hore lala eegtay Ciidamada Itoobiya oo ku sugan Magaalada Baladweyne.

Sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa saaka lagu weeraray Ciidamada Itoobiya gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Ugu danbeyntii xaalada ayaa iminka dagan waxaana Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka ay bilaabeen howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Baladweyne.

Warkan wixii ku soo kordha kala soco wararkeena danbe Insha Allaah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698