Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose waxay sheegayaan xalay kooxo hubeysan ku toogteen qof rayid ah oo magaalada si weyn looga yaqaan.
Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay inay gaarayeen laba ruux oo ku hubeysnaa bastoolado, waxaana ay rasaas la dhaceen qof rayid ah oo ka mid ahaa Maxaabiis Ciidamada dowladda ay ka sii daayeen Saldhiga Magaalada Marka markii ay la wareegeen kadib sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka Maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ruuxa dhintay ayaa la sheegay in kooxaah falka dilka ah u geystay rasaasta kala dhaceen qeybaha sare jirkiisa gaar ahaan dhanka Wadnaha iyo madaxa oo la sheegay in kooxaha ay kaga dhifteen ilaa dhowr xabadood sidaasina ku geeriyooday.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsadeen waxaana aan la ogayn sababta dhabta ah ee loo dilay qofkaasi ka midka ahaa dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.
Ugu danbeyntii dilka xalay ka dhacay Magaalada Marka ma ahan dilkii ugu horeeyey wuxuna ku soo beegmayaa xili maalintii shalay banaanbax ka dhan ah Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka uu ka dhacay Magaaladaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com