Afhayeenka ciidamada Xarakada alshabaab oo ka warbixiyey dagaallo ka dhacay Balidoogle iyo Yaaq-bariweyne.
Soomaalinews.com 20 Oct 12, 18:51

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo shir jaraaid galabta qabay ayaa ka warbixiyey dagaallo labadii maalin la soo dhaafay deegaanka Balidoogle iyo Yaaq-bariweyne ku dhexmaray Ciidamada Xarakada Alshabaab iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidanka AMISOM.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in 30 Askari ay ka dileen ciidamada AMISOM, Saraakiil Cadaan ah, kuwa dowladda Federaalka 50 tiro ka badan ka dhaawaceen halka 5 gaadiidka dagaalka ah oo uu taagi ku jirana ku gubeen dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay deegaanada Balidoogle iyo Yaaq-bariweyne ee gobolka Sh/hoose.

Afhayeenka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay inay marsiin doonaan wadadii ay horay u mareen ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Xarakada alshabaab waxa uu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan xoojinta dagaalada ka holcaya gobolada dalka Soomaaliya si loo burburiyo awooda Cadowga ku soo duulay dilka sida uu yiri.

Ugu danbeyntii hadalkan ka soo baxay Afhayeenka Ciidamada Xarakada alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa imaanaya xili labadii maalmood ugu dambeysay dagaalo culus deegaanada Balidoogle iyo Yaaq-bariweyne ee gobolka Sh/hoose kula galeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698