Maamulka KMG ee laga dhisay magaalada Kismaayo ayaa Caawa magaalada dhammaanteed ku soo rogay xaalad Bandow ah, waxaana dadka la amray inay guryahooda ku xaroodaan.
Gawaari lagu soo xiray Mecrafoono ayaa loogu baaqay dadka Magaalada in laga bilaabo 6:00 Maqribnimo xiliga Soomaaliya ilaa 5:30 waa bariga hore Salaad Subaxa kadib inaysan ka soo bixi Karin guryaha, cidii lagu qabtana xiligaasi wixii ka horeeya laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.
Maamulka KMG ayaa ku macneeyey xaalada Bandowga lagu soo rogay magaalada mid lagu xaqiijinayo falalka amaanka ka horjeeda ee ku soo batay magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.
Dhammaan mehradaha ganacsiga noocyadooda kala duwan ayaa caawa xiran iyadoona dadka ay ku xaroodeen salaada maqrib kadib guryahooda magaaladuna waa mid haawanaysa waxaana gaaf wareegaya Ciidamada amaanka oo roondo ah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com