Ismaciil Hure Bubaa oo kamid ahaa dowladii TFG-da ee uu hogaaminayey Dr. Cumar C/rashiid horay ugu soo shaqeeyey dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa ka digay in Urur Gobboleedka IGAD uu iska horkeeno qabaa’ilada wada dega Jubbooyinka.
Mr. Ismaaciil Hure Buubaa oo wareysi siinayey mid ka mid ah warbahinta Muqdisho ayaa sheegay in IGAD xiligan aan looga baahneyn inay fara gashato arimaha maamul u sameynta magaalada Kismaayo.
Waxa uu tilmaamay Buubaa in xiliga dalka ay ka jirto dowlad Dastuuri ah islamarkaana looga baahan yahay in iyadu ay ay maamul u sameyso gobbolada dalka Soomaaliya.
Buubaa ayaa intaasi ku daray in maamul u sameynta Kismaayo guud ahaanba aysan quseyn Urur gobboleedka IGAD waxa uuna ugu baaqay Ururkaasi inuu faraha kala baxo oo uusan iska horkeenin Qabaa’ilada dega gobbolada Jubbooyinka.
Shalay ayey ahayd markii wafdi ka socday Urur gobboleedka IGAD uu socdaal ku tagay magaalada Kismaayo halkaasi uu ku doonayo inuu maamul ugu sameyo
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com