Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kullan yeelanaya.
Soomaalinews.com 18 Oct 12, 09:06

Xildhibaanada barlamaanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay kulan balaaran ku qaadanaya xarunta golaha Shacabka kadib marki ay shalay ansixiyeen Raiisul Wasaare Dr Saacid.

Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa iclaamiyay gudoonka sare ee barlamaanka, waxaana looga hadli doonaa qodobo horyaal barlamaanka.

Arimaha kulanka xildhibaanada looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah Miisaaniyadda Dowladda ee Seddexda bilood oo soo socota.

Xildhibaanada qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xildhibaanada ay sidoo kale ka doodi doonaan qodobo ku aadan xeer hoosaadka barlamaanka iyo soo dhisida gudiyada.

Ugu danbeyntii shalay ayaa loo qeybiyey nuqulo ay ku qornaayeen qorshaha miisaaniyada saddexda bilood ee soo socota.




Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698