Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in saakay kooxo bastoolado ku hubeysan Degmada Wadajir ku dilay Guddoomiye Waaxeedka Degmadaasi.
Maxamed Burus oo Xaafadiisa u socday ayaa Kooxo Bastoolado ku hubeysan ku toogteen xili uu wado marayay.
Wali lama oga Sababta loo dilay Marxuumka iyo Cida ka dambeesa Dilka.
Ciidamo ka tirsan Dowladda oo halkaasi gaaray ayaa sameeyay howlgallo baaritaanno ah oo aan illaa iyo hada la ogeyn cidda lagu soo qab qabtay.
Waa guddoomiye waaxeedkii Seddaxaad ee lagu dilo Degmada Wadajir Sanadkaan gudihiisa.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com