Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa soo dhaweeyey Ansixinta Raiisul Wasaaraha cusub Dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo maalintii shalay xildhibaanada Baarlamanka cod taariikhi ah ku ansixiyeen.
Ambassador Maxamad Cali Ameeriko ayaa soo dhaweeyey Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya isagoo go’aan taariikhi ah ku tilmaamay in la waayo xildhibaan diida iyo mid ka aamusa intaba kuwaasoo horay looga bartay xildhibaanadii ka horeeyey ee KMG ahaa.
Dhanka kale Ambassador Maxamad Cali Ameeriko ayaa sheegay in dowladda Kenya ay kala hadashay inaan la dhibaateyn Soomaalida ku nool dalkaasi xiliyada ay dhacaan falalka amaan darida ah.
Sidoo kale Maxamad Cali Ameeriko ayaa sheegay in Soomaalida ku nool wadankaasi looga baahan yahay inay dhowraan shuruucda iyo dhaqanka dalka Kenya u dagsan si ay uga bad baadaan inay wax ka soo gaaraan falalka amaan darida ah.
Ugu danbeyntii hadalka Ambassador Ameeriko ayaa imaanaya xili magaalooyinka dalka Kenya ku badanayaan qaraxyada iyo weerarada ka dhanka ah Ciidamada dalka Kenya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com