Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inay sii socon doonaan la dagaalanka Alshabaab.
Soomaalinews.com 18 Oct 12, 06:48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay sii socon doonaan la dagaalanka Alshabaab iyo Alqaacidada Soomaaliya.

Hadalkan ayuu ka sheegay madaxweynaha qudbad uu ka horjeediyey Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliay ayaa xusay in howlgaladii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan gobolada guulo laga gaaray islamarkaana ay sii socon doonaan.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay inuu wax badan ka qabanayo xaalada dalka Soomaaliya maadaama dalka uu yeeshay Hogaan cusub oo aan KMG ahayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday xildhibaanada inay si niyad ah kula shaqeeyaan Xukuumadda uu soo dhisi doono Ra’iisul Wasaare Saacid, isagoo tilmaamay in Xafiiska madaxweynaha uu la shaqeyn doono habeen iyo maalin xukuumadda la filayo in la soo dhiso.

Ugu danbeyntii hadalkan ka soo baxay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaanaya xili maalintii shalay cod caqlabiyad leh lagu ansixiyey Ra’iisul Wasaare Saacid.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698