Xildhibaan ka mid ah Baarlamanka Dalka Kenya ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyey inuu maalgeliyo Kooxda Mombasa Republican Council.
Sheekh Maxamad Dor oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka dalka Kenya ayaa la sheegay inay baaris ku wadaan Ciidamada Booliska kaasoo ka shanqariyey inuu Maalgeliyo Kooxda Mombasa Republican Council.
Taliyaha CID ayaa sheegay inuu xiran yahay xildhibaanka isagoo sheegay in maanta oo Khamiis ah la soo taagi doono Maxkamad.
Lama oga sababta ka dambeysa in la xiro xildhibaan ka tirsan dalka Kenya xili dhawaan Maxkamada sare ee dalka Kenya xukuntay in kooxda MRC ay tahay mid sharci ah.
Ugu danbeyntii Kooxda MRC ayaa wada olole ay ku doonayso in xeebta Mombasa ee dalka Kenya ka go’do Kenya inteeda kale waxaana halkaasi ku nool dad Muslimiin ah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com