Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya oo Ansixiyey Raiisul Wasaare Saacid.
Soomaalinews.com 17 Oct 12, 14:18

Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu ansixiyay Ra段isul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Kadib kulan ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho oo ay soo xaadireen xubnaha Baarlamaanka oo gaaraya 215 xubnood ayaa Ra段isul Wasaaraha halkaasi lagu ansixiyay.

Madasha ay ka dhaceysay ansixinta Ra段isul Wasaaraha ayaa waxaa halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra段isul Wasaare Shirdoon.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa wuxuu sheegay in soo magacaabista Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya uu kala tashaday Bulshada Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kala duwan.

Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in qorshaha ugu weyn ee uu qaban doono ay tahay ka shaqeynta arimaha Bulshada iyo sidoo kale dib uheshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaa ku dhawaaqay in Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya la ansixiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Proffessar Maxamed Cusmaan Jawaari oo sheegay in Ra段isul Wasaaraha xukuumadda afarta sano ee soo socota uu yahay Cabdi Faarax Saacid Shirdoon.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698