Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxay sheegayaan in dib loo furay Dekadda magaalada Kismaayo oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay xirneyd ka dib duqeymo ay ciidamada cirka dowladda Kenya ku garaaceysay dekaddaasi, isla markaasna ku soo rogay xayiraad dhanka dhaqdhaaqa.
Sida warku sheegayo dekadda Kismaayo ayaa shalay waxa ku soo xiratay doon la sheegay inay u kiraysneyd ganacsato Soomaali ah, taas oo badeecado kala duwan wadday, isla markaasna markii alaabooyinkii laga dejiyay halkaasi ka qaaday dhuxul ay iska lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.
Dekadda Ksimaayo waxa gacanta ku hayey shantii sano ee la soo dhaafay Xarkada Al-Shabaab, laakiin bishii la soo dhaafay ayaa ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen magaalada oo ah meelaha muhiimka ee gacanta ugu jiray Al-shabaab, waxayna mar sheegeen ciidamada huwanta inaan waxna laga dhoofin karin waxna laga soo dejin karin dekadda Kismaayo oo ay markii dambe fasaxeen.
Dhinaca kale ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni ayaa shalay dad kala duwan ku xirxiray gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, kuwaas oo ay ku eedaynayeen inay xiriir hoose la leeyihiin Xarakada Al-shabaab, isla markaasna ay si hoose ula shaqeeyaan.
Ciidamada ayaa la sheegay inay howgalo ka sameeyeen dhinaca waqooyi ee magaalada Kismaayo sida ay sheegayaan dadka deeganka, magaalada waxa ka jirtay tan iyo markii ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya ay galeen xaalad bandow ah, wallow xaalladdaasi ay iska caadi aheyd, sidoo kalena waxaa magaalada ka jirtay cabsi xoogan oo ay dadka muujinayeen, inkastoo ay si tartiibtartiib ah xaaladda magaalada ay caadi ku soo noqoneyso.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com