Xili qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya laga cabsi qabo inay dib uga dilaacaan abaaro aad u daran islamamarkaana bilooyinkii la soo dhaafay aysan da in wax roobab ah ayaa haatan waxaa lagu soo waramayaa in roobab ka da een deegaano badan oo ka mid ah gobolka Gedo.
Gobolka Gedo deegaanadiisa kala duwan waxaa ka da’ay roobab lagu diirsaday islamarkaana ay dadka deegaanku si weyn ugu farxeen maadaama aysan dhowr bilood oo sanad ku dhow arag roobab lagu diirsado oo deegaanadaasi ka da’aya.
Degmooyinka Baardheere, Garbahaarey, Luuq, Baladxaawo iyo deegaano kale ayaa la sheegay inay roobabkaasi ay si fiican u biyo dhigteen iyagoo wararku ay nagu soo gaarayaan inay jiraan cabsi laga qabo togag fatahaad sameeya.
Ugu danbeyntii xiliyadii la soo dhaafay gobolka Gedo waxaa ka muuqanayay Diif Abaareed oo saamaysay dadka iyo duunyada oo laga cabsi qabo inay mar kale abaaro ku dhuftaan deegaanada gobolkaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com