Afhayeenka Ciidamada Xarakada alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Alshabaab uu sheegay inay xaq ku dagaalamayaan.
Xarakada alshabaab ayaa lagala wareegay deegaano ka tirsan gobolada Dalka Soomaaliya balse Afhayeenka wuxuu sheegay inay sii wadayaan dagaalada gobol kasta iyo degmo kasta haddii lagala wareego.
Sheekh C/casiis abuu Muscab wuxuu sheegay in ilaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay ka daalaan dagaalada dalkana ka cararaan ay Xarakada Alshabaab aysan marnaba joojin doonin dagaalada siina wadayaan.
Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada Xarakada alshabaab dadka shacabka ah ee ku nool Magaalooyinka lagala wareegay ugu baaqay inay bari ka ahaadaan Ciidamada halkaasi jooga oo aysan la yeelan wax cilaaqaad ah.
Ugu danbeyntii Xarakada alshabaab marar badan ayay ku celceliyeen inay sii wadayaan dagaalada Soomaaliya inta ay ka daalayaan ciidamada AMISOM kana baxayaan dalka.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com