Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni oo gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ayaa xalay waxaa ka dhaqan galay bandow ka bilaabanayay 9:00 fiidnimo.
Bandowga xalay ka dhaqan galay Magaalada Kismaayo ayaa dhaqan galay kadib markii ay soo bateen dilal iyo dhaca loo geysanayo dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada.
Dadka ku nool magaalada Kismaayo ayaa sheegay xalay abaare 9:00 fiidnimo wixii ka dambeeyey ku xaroodeen guryahooda iyagoo loo diiday inay banaanka u soo baxaan.
Ugu danbeyntii Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa sii xumaanaya iyadoo ay ka dhacayaan dilal loo geysanayo dad rayid ah, Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com