Wararka naga soo gaaraya Xarunta golaha Shacabka Magaalada Muqdisho waxay sheegayaan saacadaha soo aadan ee Maanta Baarlamanka hortagayo Raiisul Wasaaraha Cusub Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo dalbanaya kalsooni siin.
Xildhibaanada Baarlamanka ayaa sii gaaraya Hoyga Shacabka halkaasi oo maanta uu ka dhacayo kullanka Baarlamanka ay yeelanayaan kaasi oo uu ku casuuman yahay Raiisul Wasaare Saacid si codka kalsoonida ah loo siiyo ama loogu diido.
Baarlamanka ayaa dhagaysan doona dalabka Raiisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka codsanaya in kalsooni la siiyo si uu u soo dhiso xukuumadd tayo leh.
Sidoo kale kullanka maanta waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wixii ku soo kordha kullanka Baarlamanka kala soco Soomaalinews.com
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com