Kulan ay Maantay ku yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xogahayah Guud ee Urur Goboleedka IGAD Mahbub Moalim Villa Soomaaliya ayaa waxa ay isku raaceen in Masuuliyadda Maamul sameeynta Goboladda Xarakada Al-Shabaab laga sikiyay ay leedahay Dowladda Soomaaliya.
Halkaan ka Aqriso War-Saxaafaddeed.
War-Saxaafaddeed:
Mogadishu, Somalia, October,16, 2012
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ballaaran ee uu hogaaminayey Xogahayah Guud ee Urur Goboleedka IGAD Mahbub Moalim.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Ammaanka, Siyaasadda iyo Kaalinta Wadamadda Geeska Afrika ay ku leeyihiin Dowladdda Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa madaxweynaha uga warbixiyey kulanka maalmahii la soo dhaafay ka socday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayey sidii loo hagaajin lahaa Ammaanka Goboladda laga xoreeyey Al Shabaab iyo sidii maamul hoose loogu sameeyn lahaa, waxaana la isku raacay in masuuliyadda maamul u sameeynta goboladda la xoreeyey leedahay Dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeeyntii Xogahayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa u sheegay Madaxweyanaha in diyaar u yihiin gacan siinta Dowladda Soomaaliya iyadoona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudana Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Urur Goboleedka IGAD tageerada ay siiyaan Dowladda Soomaaliya
Dhamaad
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com