Madaxweynaha Maamulka Galmudug Col: Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa magacaabay qaar ka mid ah Golahiisa Wasiiradda maamulkaasi.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu magacaabay 7 Wasiir oo ka mid noqonaya Xukuumadda maamulka uu hogaamiyo Col: Cabdi Qeybdiid, iyadoo warar soo baxayna ay sheegayaan in qaar ka mid ah xubnaha xilalka loo magacaabay aysan ku qanacsanayn xilalkaasi.
Wasiirada Gol: Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid wareegtada ku soo magacaabay waxaa ka mid ah Wasiirka Haweenka, Waxbarashada, Amaanka, Arrimaha Guddaha iyo Wasiiro kale.
Ugu danbeyntii xubnaha Wasiirada la magacaabay ayaa lagu wadaa in la horgeeyo Baarlamanka Maamulka Galmudug si ay codka kalsoonida ah u siiyaan.
Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha maamulka Galmudug Col: Cabdi Xasann Cawaale Qeybdiid wuxuu horay u soo magacaabay Wasiiro ka mid noqda maamulkiisa.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com