Raiisul Wasaaraha Cusub dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo labadii maalin ugu dambeysay kullamo wada tashi ah laqaatay qeybaha Bulshada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka ayaa lagu wadaa in maalinta barito ah Arbaco uu hotago Xarunta golaha Shacabka si codka kalsoonida ah loogu qaado.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maalinta barito ah oo Arbaco ah la filayo in Ra’iisul Wasaaraha uu horyimaado Baarlamanka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in qodob dastuuri ah aysn ahayn in Raiisul Wasaaraha iyo golaha Wasiirada oo wada socda inay hortagaan Baarlamanka si loo ansixiyo laakiin Qodobka Dastuurka uu yahay in Ra’iisul Wasaaraha Baarlamanka hortago kadibna la ansixiyo dibna ugu laabto marka uu soo dhiso xukuumadda isaga iyo golahiisa Wasiirada cusub kadibna la ansixiyo si howlaha xukuumadda u guda galaan.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in golaha Wasiirada cusub ay ka yaraan doonaan Wasaaradihii hore oo ka koobnaa 18 wasaaradood.
Ugu danbeyntii Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya warar ku dhow dhow ayaa sheegaya in tirada Wasiirada ay noqon doonaan 13 halka markii hore ay ahaayeen 18 wasiir, waxaana la tilmaamay in Beelaha Dir, Hawiye, Daarood, Digil iyo Mirifle inay heli doonaan min 3 Wasiir halka beesha Shanaad ay heli doonto hal wasiir waxaana durba soo baxaya qeylo dhaan ay muujinayaan beelaha qaar.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com