Ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa shalay galab waxay xabsiga u taxaabeen wariye Khadar Maxamuud Xareed oo ahaa madaxa wararka ee Idaacadda Goob Joog ee magaalada Muqdisho isagoo xalay ku hoyday Xabsi.
Illaa iyo hadda lama oga sababta loo xiray Wariye Khadar Maxamuud Xareed, waxaana la sheegay in ciidamada Nabadsugida xilliga ay xiraayeen ay u geysteen jirdil iyagoo la dhacay baadka qoryaha ay wateen, inkastoo ay ciidamadu warkaasi beeniyeen, wariyahana su’aalo un la weydiinayo, xaqna ay u leeyihiin ciidamadu cid kasta oo ay ka shakiyaan inay su’aalo weydiiyaan.
Sida warku sheegayo wariyaha ayaa waxaa la geeyay xarunta ay hay’adda nabadsugidda Soomaaliya ku leedahay magaalada Muqdisho, wax faahfaahin ahina illaa iyo hadda lagama hayo xaaladda uu ku suganyahay wariyahaasi, waxaana xusid mudan xarigga iyo dilalka magaalada Muqdisho loogu geysto wariyaasha ay tahay tacdiweyn oo muddooyinkii dambe lagula kacayey wariyaasha Soomaaliyeed.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com