Maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya gobolka Hiiraan ayaa shaaciyey inay wadaan abaabulo dagaal oo xoogan oo ay ku qaadanayaan deegaanada gobolkaasi ay kaga sugan yihiin Xarakada Alshabaab.
Axmed Inji oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka Amaanka Maamulka gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka go’an tahay maamulkooda oo kaashanaya Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Itoobiya inay weeraraan Deegaanada gobolkaasi ka joogaan Xarakada Alshabaab.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amaanka Maamulka Hiiraan Axmed Inji ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshaha duulaanka dagaal ka dhanka ah Xarakada alshabaab deegaanada gobolkaasi.
Inta badan deegaanada gobolka Hiiraan waxaa maamula Xarakada alshabaab Ciidamada dowladda maamulka Hiiraan iyo kuwa AMISOM waxay sheegeen inay dagaal ku qaadi doonaan deegaanada Xarakada alshabaab kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com