Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay degmada Kaxda oo maalintii shalay la sheegay in lagu soo kordhiyey degmooyinka gobolka Banaadir waxaana dagaaladii xalay oo u dhaxeeyey Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Alshabaab loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala gadisan.
Dagaalka ayaa ku bilowday sida wararku nagu soo gaareen weerar xoogan oo ay soo qaadeen Ciidamada Xarakada alshabaab degmada Kaxda oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Labada dhinac dagaalka culus intii uu socday waxay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala gadisan waxayna dadka magaalada ku nool ay maqlayeen daryanka madaafiicda oo dagaalka labada dhinac isku adeegsaday.
Waxaa ka dhashay dagaalka khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira kaasoo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah oo guryahooda rasaasta wiiftada ah ugu gashay.
Ugu danbeyntii dagaalkii xalay ka dhacay degmada Kaxda ayaa imaanaya xili habeen hore sedan oo kale ay ka dhaceen dagaal culus oo dhinacyadaasi dhexmaray.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com