Ximan iyo Xeeb oo sheegay inay ka warhayaan qorshe Cabdi Qeydiid ku doonayo inuu ku howlgaliyo Dekadda Hobyo.
Soomaalinews.com 11 Oct 12, 11:50

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa shaaca waxay ka qaadeen inay ka warhayaan qorshe uu damacsan yahay Madaxweynaha maamulka Galmudug State Col: Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid midaasoo ku doonayo inuu ku howlgaliyo Dekadda Hobyo.

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamad cumar Hagafey ayaa sheegay inay ka warhayaan qorshaha Cabdi Qeybdiid ku doonayo in uu ku howl geliyo Dekadda Magaalada Hobyo, isagoo xusay in maamulkiisu qodobo ka soo saaray in aan dekadda la howl gelin Karin.

Wafdi Cadaan ah oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid ayaa shalay ka ambabaxeen magaalada Gaalkacyo si ay u soo indha indheeyaan Dekadda Magaalada Hobyo halkaasoo ay ku sugan yihiin kooxo Burcad Badeed ah.

Maamulka Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo maamul ood wadaag ah waxaa beelaha wada dega labada maamul sanooyin hore gobolada Mudug iyo Galgaduud ku dhexmaray dagaalo dhiig badan ku daatay.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698