Fahafaahin ka soo baxaysa ciidamo ka wada tirsan dowladda oo iska horimaad ku dhexmaray Muqdisho.
Soomaalinews.com 11 Oct 12, 11:23

Faah Faahin ka soo baxayso Ciidamada ka wada tirsan Dowladda KMG Soomaaliya ku dhex martay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ka wada tirsan Dowladda waxay is rasaaseen ku dhex maray Isgoyska Banaadir, waxayna u dhaxaysay ciidamo Militari ah oo ku sii jeeday degmada Afgooye iyo ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa Isgoyska.

3 ruux oo rayid ah ayaa israsaaseyntu dhex martay ku geeriyootay, laba kalena way ku dhaawacmeen kadib markii Ciidamada Militariga oo isku dayay inay gaari BL-ah oo ku sii jeeday degmada Afgooye inay xoog ku raacaan, wadihii gaariga oo dhaqaajiyey ayaa la sheegay inay rasaas ka daba fureen Ciidamada Militariga kadibna Ciidamadii booliska rasaas jawaab ah ku fureen kuwii Militariga ahaa.

Ugu Danbeentii Israsaaseynta Ciidamada kawada tirsan Dowladda KMG Soomaaliya ku dhex marta gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay tahay mid isa soo taraysa oo ku soo noq noqtay Magaalada Muqdisho taas oo aysan jirin wax gaar ah oo ay dowladda Soomaaliya ka qabatay arrintaas ayadoo Xaaladda goobihii ay iska hor’imaadyadu ka dheceen ee Magaalada Muqdisho ayaa caadi ku soo laabtay oo deggan, inkasoo markii ay israsaaseyntaasi dhacday ay hakad galeen isku socodka dadka, Gaadiidka iyo waliba ganacsiga.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698