Ciidamo Ilaalo u ah Cabdi Qeybdiid iyo Maleeshiyaad hubaysan oo maanta ku dagaalamay gobolka Mudug.
Soomaalinews.com 11 Oct 12, 11:16

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya ciidamo ilaalo u ah Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid iyo maleeshiyaad hubeysan iska hor’imaad ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolkaas.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegay inay isku dayeen inay weerar ku qaadaan kolonyo gaadiid ah uu la socday Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Qeybiid iyo dad Cadaan ah oo la socday kuwaasoo cabir ka hayay dekadda Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Is rasaaseynta ayaa la sheegay inay socotay muddo hal saac ah taasoo sababtay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan iska hor’imaadka xaaladuna waxaa lagu soo waramayaa inay iminka tahay mid dagan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698