Dowladda Kenya ayaa sheegtay markiii ugu horeysay inay ciidamadeeda ay kala baxeyso Soomaaliya mar alle iyo marka uu dhamaado howlgalka ay ciidamada AMISOM ku joogaan gudaha dalka Soomaaliya, waxayna intaasi ku dartay dowladda Kenya inay ciidamadeeda ay sii joogayaan Soomaaliya inta ka horeysa waqtigaasi.
Wasiirka gaashaandhigga dalka Kenya Yuusuf Xaaji oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Kenya aysan wax dan ah ka laheyn joogista gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in Kenya ujeedka ay u soo gashay Soomaaliya uu yahay xaqiijinta ammaanka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Jubbooyinka.
“Marka uu dhamaado hawlgalkeena Soomaaliya ciidamadu waa ay ka bixi doonaan, Soomaaliya, waxaana idiin xaqiijinayaa in Kenya aysan dan kale ka laheyn arrimaha Soomaaliya” ayuu yiri Yuusuf Xaaji oo intaasi ku daray in ciidamadoodu ay hadda qeyb ka yihiin kuwa AMISOM ee jooga Soomaaliya, isla markaasna aan si gaar ah loogu eedayn karin joogitaankooda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa soo hadal qaaday in gelintaanka Soomaaliya ciidamadda Kenya ay dhalisay guux fara badan hase ahaatee waxa uu sheegay in arrinta sida loo dhigay aysan aheyn, isla markaasna warar been ah laga fidiyey ciidamadooda, isagoo aan soo hadal-qaadin hadalkii ka soo yeeray doraad Madaxweynaha Kenya oo sheegay inay doonayaan inay ku lug-yeeshaan maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka oo si bareer ah uu Madaxweynahoodu ugu soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya ka dib kulan dhexmaray.
Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhiga Kenya ayaa waxaa uu sheegay in intii uu socday dagaaladii Soomaaliya ay ku galeen ku waayeen 22 Askari, hal diyaarad helicopter ahna looga riday, islamarkaana ay dileen dhankooda saddex kun oo Ciidamada Xarakada alshabaab ka tirsanaa.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com