Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Kenya iyo Alshabaab oo saaka ka dhacay deegaanka Kulbiyow.
Soomaalinews.com 11 Oct 12, 07:52

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya halkaasi saaka dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada Kenya, kuwa Dowladda Federaalka, Raaskambooni oo isku dhinac ah iyo Xarakada alshabaab oo dhinac ah.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa soo qaaday Ciidamo ka tirsan Xarakada alshabaab kuwaasoo weerar xooggan ku soo qaaday fariisimaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee deegaanka Kulbiyow.

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay 10 qof oo dhanacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi, ayadoo khasaaraha dhaawacana uu intaasi ka badanyahay.

“Xaalada deegaanka Kulbiyow hadda waa ay deggan tahay waxaana gacanta ku haya Ciidamada Dowladda Soomaaliya” waxaa sidaasi yiri Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa iyo iminka wax hadal ah kama soo bixin Xarakada alshabaab dagaalka saaka ay ku qaadeen Fariisinka Cidiamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubada Hoose.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698