Xildhibaan Maxamad Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda Federaalka inay ka shaqeynayaan sidii la isaga horkeeni lahaa beelaha dega gobolada Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Jubooyinka.
Dalxa oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay jiraan kullamo gooni gooni ah kaasoo maamulo kala duwan loogu samaynayod eegaanada qaar ee goboladaas.
Maamul u samaynta goboladaasi ayuu sheegay inuu yahay mid iska horkeena beelaha dega goboladaasi isagoo ku eedeeyey inay beelo aan ku abtirsan goboladaasi ay horboodayaan.
Ugu danbeyntii hadalkan ka soo baxay Xildhibaan Maxamad Cumar Dalxa ayaa ku soo aadaya xili waayadan ay kullamo ka socdeen goboladaas kaas oo ku aadan maamul u samaynta labada Shabelle iyo Jubooyinka.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com