Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabad sugidda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay lagu toogtay Magaalada Muqdisho.
Sarkaalkaani dilka loo geystay oo ka mid ah Saraakiisha Nabad Sugidda gobolka Banaadir ayaa waxa la sheegay in dilkiisa uu ka dhacay Xaafada Xamar Jadiid Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dhalinyaro bastoolado ku hubeysnaa kuwaasoo wajiyada soo xirtay sida la sheegay, kaddibna rasaas ay la dhaceen Sarkaalka geeriyooday oo ka tirsanaa Ciidamada Nabad sugidda, halkaasina ay ka baxsadeen dhalinyarada ka dambeysay dilka Sarkaalkaasi.
Goobjoogayaal ku sugnaa halkaasi xilliga uu dilka dhacayay ayaa waxa ay u sheegeen in dilka kaddib halkaasi ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya baaritaanno ay sameeyeen.
Degmada Wardhiigley waxaa kusoo badanayay falalka ka dhanka ah ammaanka oo ay ka mid yihiin dilalka qorsheysan iyo qaraxyo halkaasi ka dhacayay.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com