Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in mar kale halkaasi xalay isaga baxeen Ciidamada Xarakada Alshabaab.
Sida wararka saaka nagu soo gaaraya waxay sheegayaan in Ciidamo badan kana tirsan Xarakada alshabaab xalay saqdii dhexe faarujiyeen magaalada mana jiro cid maanta maamulaysa magaalada.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaday magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay iyadoo aan la ogayn inay gudaha u gali doonaan.
Lama oga in mar kale dib ugu soo laabanayaan magaalada Buurhakaba dagaal yahanada Xarakada Alshabaab oo horay u sheegay inay ku dagaalami doonaan Magaaladaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com