Xarakada Alshabaab oo Islamic Relief ka mamnuucday Soomaaliya.
Soomaalinews.com 09 Oct 12, 05:52

Xarakada Alshabaab ayaa dalka Soomaaliya ka mamnuucday hayada Islamic Relief.

Hayada Islamic Relief oo laga maamulo Dalka Ingiriiska ayaa ahayd hay’adii ugu dambeysay ee ka mid ah hay’adaha Reer galbeedka ee ka shaqeeya deegaanada ay maamusho Xarakada Alshabaab.

Xarakada Alshabaab ee mamnuucday hay’adaasi ayaa ku eedeysay inay xariir wada shaqeyn la leedahay Hay’ada WFP.

Masuuliyiinta Islamic Relief kama hadlin arrinta looga mamnuucay deegaanada ay maamusho Xarakada Alshabaab ee dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii hay’ada waxay ka shaqeynaysay Soomaaliya Sanadkii 2006-dii.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698